Daafaca kooxda Chelsea, Malo Gusto, ayaa ka fiirsanaya mustaqbalkiisa ka hor inta uusan furmin suuqa kala iibsiga ee bisha Janaayo, ka dib markii uu lumiyay booskiisii joogtada ahaa ee garoonka Stamford Bridge.
Xiddigan 23 jirka ah ayaan ku soo bilaaban wax kulan ah oo Premier League ah in ka badan laba bilood, iyadoo booska daafaca midig inta badan la siiyo da’yarka Josh Acheampong, inkastoo uu dhaawac ku maqan yahay kabtan Reece James.
Maamulka Chelsea ayaa la sheegay inay diyaar u ahaayeen inay xagaagii hore iska iibiyaan Gusto, iyagoo madaxiisa dul-dhigay qiimo lacageed oo dhan 75 milyan oo gini. Kooxda Manchester City, oo uu haatan hoggaamiyo tababarihii hore ee Blues, Enzo Maresca, ayaa ka mid ahayd naadiyada sida weyn u doonayay saxiixiisa, inkastoo aan si dhab ah loo ogayn qorshahooda waqtigan.
Gusto oo dhawaan u saftay Chelsea kulankiisii 100-aad ayaa sanadkii 2023 kaga soo biiray Blues kooxda Lyon adduun dhan 26.3 milyan oo gini, wuxuuna qandaraas kula jiraa kooxda reer London ilaa sanadka 2030.