Tababaraha xulka qaranka Mareykanka, Mauricio Pochettino, ayaa ah dookha koowaad ee kooxda Manchester United si uu u beddelo Michael Carrick. Waxaa haatan aad loo badinayaa in Carrick shaqada laga cayrin doono inta lagu jiro fasaxan xulalka qaranka.
Mustaqbalka shaqada ee macallinkan 45 jirka ah ayaa halis weyn ku jira, inkastoo kooxdiisu ay Axaddii dagaal adag ku keentay barbarro 4-4 ah oo ay la gashay Aston Villa. Natiijadaas ayaa ka dhigan in Manchester United ay gaartay laba guulood oo keliya 10 kulan oo ay ciyaartay horyaalka Premier League xilli-ciyaareedkan, taas oo maamulka sare ku qasbaysa inay qaataan go’aan degdeg ah.
Qandaraaska uu Pochettino kula jiro xulka qaranka Mareykanka ayaa waxaa ku xiran qodob lagu burburin karo oo gaaraya 7 milyan oo gini, taas oo u sahli karta United inay la soo wareegto haddii ay diyaar u tahay bixinta lacagtaas.
Maamulka Manchester United ayaa sidoo kale horey u tixgeliyay tababarayaasha kala ah Eddie Howe iyo Julian Nagelsmann. Labadan macallin ayaa weli ku jiri doona liiska musharraxiinta u tartamaya shaqada garoonka Old Trafford, haddii ay kooxdu ku guuldareysato inay gacanta ku soo dhigto Pochettino.