Tababaraha kooxda kubadda cagta Manchester City ee Pep Guardiola ayaa saddex saacadood ay miiska wada-fadhiyeen xiddig ka tirsan Real Madrid, si uu ugu qanciyo in uu xagaagii tegay ku biiro kooxdiisa Manchester City.
Pep Guardiola ayaa dedaal shaqsi ah ku bixiyey sidii uu ugu qancin lahaa laacibkan inay ku midoobaan Etihad Stadium, waxaana uu go’aansaday inuu si fool ka fool ah u horfadhiisto ciyaartoyn iyo wakiilkiisa, balse wax kasta waxa ay kusoo dhamaadeen fashil.
Ciyaartoyga uu Pep Guardiola saddexda saacadood la hadlayay waa xiddiga khadka dhexe ee reer England ee Jude Bellingham oo uu isku dayey inuu la saxeexdo xagaagii tegay, waqtigaas oo laacibkan uu kusii jeeday Real Madrid balse uu Guardiola isku dayey inuu ka hor qaado.
Sida ay sheegtay idaacadda Cadena SER, Pep Guardiola iyo Bellingham ayaa kulankooda oo aan la sheegin meesha uu ka dhacay uu qaatay saddex saacadood, waxaase uu Jude Bellingham u sheegay in uu go’aansaday inuu tago Real Madrid oo uu waliba heshiis lix sannadood ah u saxeexayo.
Jude Bellingham ayay Real Madrid €103 milyan oo Euro kaga soo iibsatay Borussia Dortmund, waxaana 31 ciyaarood oo dhamaan tartamada ah oo uu u saftay uu u dhaliyey 20 gool, iyo sagaal kale oo uu caawiye ka noqday.
Waxa uu mar horeba kula guuleystay koobkiisii koowaad oo ahaa Spercopa de Espanya oo ay Real Madrid finalka ku garaacday Barcelona, halka horyaalkana ay toddoba dhibcood oo nadiif ah ku hayso kooxdiisa Real Madrid.
Tartanka Champions League ayey usoo gudbeen wareegga siddeeda oo ay isku dhaceen Manchester City, iyadoo saadaaliyeyaashuna ay ku doodayaan in midkooda soo adkaada City iyo Real uu ku guuleysan doono tartanka Champions League.