Weeraryahannada kooxda kubadda cagta Barcelona ee Lewandowski Iyo Joao Felix ayaa lumin doona boosaskooda joogtada ah bishan January, waxaanay la kulmi doonaan tartan adag iyadoo tababare Xavi Hernandez uu tijaabin doono xeelado kale iyo xiddigo kale.
Lewandowski Iyo Joao Felix oo ku jira waqti adag, isla markaana ay ku adkaatay dhalinta goolasha, ayaa waxa kooxdoodu ay bishan January gelaysaa jadwal mashruul ah oo horyaalka LaLiga, Copa del Rey iyo Spanish Super Cup ah.
La Blaugrana ayaa waxa ay usbuucan waajihi doontaa kooxda yar ee Barbasro oo ay tartanka Copa del Rey isku dhaceen, waxaanay u baahan yihiin inay helaan guul dib usoo celisa niyaddooda ka hor inta aanay u safrin waddanka Sucuudiga oo ay kaga qayb-gelayaan tartanka Spanish Super Cup oo ay semi-finalka la ballansan yihiin Osasuna.
Barcelona oo xalay guul cidhiidhi ah ku furatay sannadka 2024, isla markaana uu rikoodhe u dhaliyey waqtigii dheeraadka ahaa ee lagu daray ciyaartii ay 2-1 kaga adkaadeen Las Palmas, ayaa waxa uu Xavi Hernandez beddelay Lewandowski Iyo Joao Felix iyadoo ay kooxdiisu goolal raadinayso, waxaanay guusha gaadheen iyadoo ay labadan ciyaartoyba dibedda fadhiyaan.
Labadan ciyaartoy oo si joogto ah ugu soo bilaabanayay safka hore ee Barcelona xilli-ciyaareedkan ayaa lumiyey qaab-ciyaareedkooda bilihii ugu dambeeyey, iyadoo Robert Lewandowski oo ah ciyaartoyga ugu goolasha badan Barcelona uu saxeexay siddeed gool oo horyaalka ah, waana meel ka hoosaysa heerkii uu joogay xilli-ciyaareedkii hore waqtigan oo kale.
Sida uu ku warramayo wargeyska Marca, Xavi Hernandez, ayaa waxa uu bilaabi doonaa in uu isku beddelo ciyaartoydiisa weerarka oo uu maalinba qaar kusoo bilaabo, waxaana kaydka u dhici doona Lewandowski Iyo Joao Felix kulamada qaarkood maadaama ay gool-dhalintoodii meesha ka baxday.
Felix ayaa noqon doona ciyaartoyga toddobaadkan soo socda kaydka u dhacaya, halka Lewandowski la siin doono waqti dheeraad ah oo uu ku badbaadsado booskiisa, haddii kale waxa weerarka kooxda la wareegi doona Ferran Torres iyo Vitor Roque.