Ma Rumeysan Kartid Mushaarka Harry Kane Kadib Guushiisii Ballon d’Or

Weeraryahanka kooxda Bayern Munich, Harry Kane, ayaa noqday ciyaaryahanka ugu mushaarka badan qaaradda Yurub ka dib markii uu saxiixay heshiis cusub. Wargeyska Daily Mail ayaa ku warramaya in Kane uu qandaraaskiisa kooxda Bundesliga ku kordhiyay ilaa sanadka 2029-ka.

Heshiiskan cusub ee qaaliga ah ayaa mushaarkiisa toddobaadlaha ah gaarsiinaya lacag cajiib ah oo dhan 400,000 oo gini, taas oo la aaminsan yahay inay tahay mushaarka aasaasiga ah ee ugu badan Yurub. Tallaabadan ayaa imaanaysa maalmo yar uun ka dib markii Kane uu ku guuleystay abaalmarinta xiddiga adduunka ee Ballon d’Or ee sanadka 2026-ka.

Kabtanka xulka qaranka England ayaa xilli-ciyaareedkii hore kooxdiisa iyo qarankiisa u dhaliyay 73 gool, 65 kulan oo uu saftay. Guud ahaan, Kane ayaa shabaqa soo taabtay 156 jeer, 161 kulan oo uu u ciyaaray Bayern tan iyo markii uu 86 milyan oo gini ugaga soo wareegay kooxda Tottenham Hotspur sanadkii 2023-kii.

Ka hor inta uusan qalinka ku duugin heshiiskan cusub, Kane waxaa qandaraaskiisii hore ee Bayern Munich uga harsanaa keliya lix bilood.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

RELATED ARTICLES

Most Popular

- Advertisment -

Most Popular