Liverpool ayaa lagu soo waramayaa inay si buuxda uga qayb qaadanayaan tartanka loogu jiro saxiixa daafaca dhexe ee Palmeiras, Vitor Reis, oo sidoo kale ay xiiseynayaan Real Madrid iyo Arsenal. Reis, oo 18 jir ah, ayaa loo arkaa mid ka mid ah xiddigaha ugu wanaagsan ee da’da yar ee kubadda cagta Brazil, isagoo 15 kulan u saftay Palmeiras isla markaana lagu soo daray xulka da’yarta qaranka Brazil ee U-16 iyo U-17.
Real Madrid ayaa la rumeysan yahay inay yihiin kuwa ugu cadcad saxiixa daafacan, laakiin warar dhawaan soo baxay ayaa sheegaya in Arsenal sidoo kale ay ku jirto tartanka Reis, kaasoo heshiis kula jira kooxdiisa ilaa December 2028.
Sida laga soo xigtay Football Insider, Liverpool ayaa sidoo kale isha ku heysa suurtogalnimada heshiis ay ku heli karto xiddiga, iyadoo daafacan uu soo jiitay kooxda ka dhisan Merseyside. Warbixinta ayaa sheegaysa in heshiiska uu Reis kula jiro Palmeiras uu leeyahay qodob lagu burburin karo oo ku kacaya qiyaastii £84m, taas oo siinaysa kooxda reer Brazil awood badan marka loo eego waqtiga dheer ee heshiiska uga harsan bixiddiisa.
Reis ayaa dhawaan ka hadlay wararka ku saabsan mustaqbalkiisa, isagoo sheegay inuu “si buuxda” diiradda u saarayo kooxdiisa haatan ee Palmeiras. Wuxuu u sheegay wargeyska AS: “Maanta fikirkeyga wuxuu ku saabsan yahay Palmeiras, waxaan rabaa inaan diiradda saaro kooxda. Waxaan doonayaa inaan horyaallo kula guuleysto Palmeiras oo aan saldhig ka dhigto.”
“Waxaan aaminsanahay in da’yar walba uu ku riyoonayo inuu u ciyaaro xulka qaranka Brazil, mana iiga duwana aniga. Waan ogahay inaan weli yarahay, laakiin waxaan horey u helay fursado badan oo heerka xulka dhalinyarada ah, waxaana rajeynayaa inaan si dabiici ah ugu ciyaaro xulka sare ee qaranka.”
Virgil van Dijk ayaa haatan heshiis kula jira Liverpool ilaa xagaaga soo socda, mana cadda haddii 33-jirkan uu heshiis cusub u saxiixi doono kooxda ka dhisan Merseyside. Van Dijk ayaa weli ah tiir muhiim ah oo kooxda ah xilli ciyaareedkan, laakiin ma jirto dammaanad ku saabsan mustaqbalkiisa, sidaas darteed Liverpool waxay u badan tahay inay suuqa ka raadin doonto bedelkiisa xagaaga soo socda.
In lagu beddelo Van Dijk ma noqon doonto hawl fudud, laakiin Reis ayaa muujiyay karti iyo dadaal uu ku gaari karo booska daafaca ugu muhiimsan Liverpool. Waxaana muuqata inuu awood u leeyahay inuu noqdo mid ka mid ah daafacyada dhexe ee ugu fiican kubadda cagta caalamka sanadaha soo socda.