Liverpool Oo Dardartay Crystal Palace, Xilli Isak Uu Mar Kale Shabaqa Soo Taabtay

Kooxda Liverpool ayaa guul ay u qalantay oo 3-1 ah ka gaartay Crystal Palace kulan ka tirsanaa wareegga tobnaad ee horyaalka Premier League oo ka dhacay garoonka Selhurst Park.

Reds ayaa maamulaysay ciyaarta waxayna goolka furitaanka heshay daqiiqaddii 40-aad, markaas oo uu Alexis Mac Allister shabaqa ku hubsaday karoos uu soo dhigay Dominik Szoboszlai, taas oo keentay in qaybtii hore lagu kala nasto 1-0 ay Liverpool ku hoggaaminayso.

Bilowgii qaybta labaad, Liverpool ayaa sii wadday cadaadiskeeda weerarka, waxaana goolka labaad daqiiqaddii 54-aad u saxiixay Florian Wirtz ka dib caawin uu ka helay Bradley Barcola.

Weeraryahanka reer Sweden ee Alexander Isak ayaa ciyaarta dilay daqiiqaddii 89-aad isagoo dhaliyay goolka saddexaad, halka Eddie Nketiah uu daqiiqaddii 95-aad goolka calanka rigoore ugu dhaliyay Crystal Palace.

Natiijadan ayaa Liverpool ka caawisay inay dhibcaheeda gaarsiiso 18 dhibcood iyadoo u soo dallacday kaalinta afraad ee kala-sarreynta Premier League, halka Crystal Palace ay ku sii jirto kaalinta 20-aad ee ugu hooseysa horyaalka iyadoo leh 7 dhibcood.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Most Popular

- Advertisment -

Most Popular