Shirkadda xogta ururisa ee Gradient Sports ayaa soo saartay liiska 10-ka ciyaaryahan ee ugu dheereeya horyaalka Premier League xilli-ciyaareedkan 2026/27, iyadoo la xisaabiyay celceliska shanta jeer ee ugu sarreysa xawaarahooda.
Kaalinta koowaad ee liiskan waxaa hoggaaminaya daafaca kooxda Ipswich Town, Leif Davis, kaas oo diiwaangeliyay xawaare dhan 34.28 km/h. Waxaa kaalinta labaad soo galay xiddiga Everton ee Merlin Rohl (34.27 km/h) ka dib orod cajiib ah oo uu sameeyay kulankii ay ka badiyeen Coventry.
Kooxda Liverpool ayaa laba ciyaaryahan ku leh shanta ugu sarreysa. Xiddiga Garabka weerarka ee Bradley Barcola ayaa soo galay kaalinta saddexaad isagoo jaray 34.20 km/h, halka saaxiibkiisa Victor Munoz uu fadhiyo kaalinta shanaad (34.01 km/h). Waxaa labadan xiddig u dhexeeya oo kaalinta afaraad ku jira laacibka cusub ee Sunderland, Dayann Metalie (34.01 km/h).
Dhanka kale, Bryan Mbeumo oo ka tirsan Manchester United ayaa ku jira kaalinta sagaalaad (33.57 km/h), isagoo ka badbaaday dhaleeceynta loo jeediyo ciyaartoyda kooxdiisa maadaama uu sameeyay orod badan. Daafaca Manchester City, Abdukadir Khusanov, ayaa galay kaalinta siddeedaad (33.62 km/h), isagoo ka dheereeyay saaxiibkiisa Erling Haaland.
Liiskan waxaa dhanka kale ka soo muuqday Milan van Ewijk oo Coventry ah (kaalinta 6-aad, 33.88 km/h), Anthony Elanga oo Newcastle ah (kaalinta 7-aad, 33.84 km/h), iyo Chemsdine Talbi oo Sunderland ah (kaalinta 10-aad, 33.53 km/h).