Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay shaqada ka cayrin doonto Erik ten Hag dhamaadka todobaadkan hadii uu ku guul darreysto kulanka Brentford.
Qaab ciyaareedka Red Devils xilli ciyaareedkan, waxa uu ahaa mid ka hooseeya sidii la filayay, waxaana ay kaliya badisay seddex kamid 10 kulan oo ay ciyaareen tartamada oo dhan.
Waxa ay galeen fasaxii ugu dambeeyay ee caalamiga ah, iyagoo fadhiya kaalinta 14-aad ee kala sareynta Premier League.
Haatan wararka ka soo baxa Turkiga ayaa sheegaya in tababaraha Qaranka Turkiga Vincenzo Montella lagu daray liiska dooqyada macquul ay tahay inay bedelaan Ten Hag.
Macalinka reer Talyaani ayaa shaqo fiican qabtay tan iyo markii loo magcaabay tababaraha xulka qaranka Turky oo horumar badan ka sameeyay tartamada caalamiga ah.
Sheekadaan lama filaanka ah ayaa timid xili Manchester United ay wali ka fakireyso bedelka macquulka ah ee Ten Hag.