Lamine Yamal Oo Jebiyay Rikoodh Uu Mbappe Ku Faani Jiray Kulankii Aston Villa

Xiddiga Barcelona, Lamine Yamal, ayaa dhaafay Kylian Mbappé oo Real Madrid ka tirsan, isagoo noqday ciyaaryahanka da’da yar ee ugu goolasha badan taariikhda Champions League.

Yamal ayaa rikoodhkan dhigay kadib markii uu gool ka dhaliyay guushii 3-0 ahayd ee Barcelona ay Talaadadii ka gaartay Aston Villa.

Xiddiga 19-jirka ah ayaa ka faa’iideystay khalad uu sameeyay difaaca Villa daqiiqaddii toddobaad ee ciyaarta, isagoo kubadda shabaqa ku hubsaday. Goolkaasi wuxuu ahaa kiisii 14-aad ee tartanka.

Mbappé, oo guud ahaan Champions League ka dhaliyay 72 gool, ayaa horay u haystay rikoodhkan isagoo dhaliyay 13 gool intii uu da’ yarka ahaa.

Yamal ayaa 14-ka gool ku dhaliyay 37 kulan oo kaliya, wuxuuna hore u dhigay rikoodho kale oo tartanka ah.

Xiddiga xulka Spain ayaa weli ah ciyaaryahankii ugu da’da yaraa ee kulan kusoo billowda Champions League, isagoo 16 sano iyo 83 maalmood jir ahaa markii uu kulankiisii ugu horreeyay ee Yurub kaga hor yimid FC Porto.

Toddobaadkii hore, Yamal ayaa kaalinta saddexaad ka galay abaalmarinta Ballon d’Or 2026, isagoo ka dambeeyay Harry Kane iyo Mbappé.

Xilli ciyaareedkan ayuu si wanaagsan ku bilowday, isagoo 15 kulan oo tartamada oo dhan ah dhaliyay 13 gool, isla markaana sameeyay 11 caawin.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

RELATED ARTICLES

Most Popular

- Advertisment -

Most Popular