Carragher wuxuu sheegay inuusan waligiis aaminsanayn in Chelsea ay hanan doonto horyaalka Premier League maadaama goolhaye Robert Sanchez iyo weeraryahanka Nicolas Jackson aysan gaari karin heerka noocaas.
Chelsea waxay si kooban u muujiyeen inay dagaal ugu jiraan horyaalka bilowgii xilli-ciyaareedkan, balse labadii bilood ee la soo dhaafay waxay ka baxeen tartanka.
Iyagoo 13 dhibcood ka hooseeya hoggaamiyeyaasha Liverpool ka hor ciyaartii Reds ay la yeelatay Everton habeenkii Arbacada, hadafka Chelsea wuxuu u wareegay xaqiijinta boos Champions League ah.
Kooxda Enzo Maresca ayaa haatan ku jirta kaalinta afraad – labo dhibcood ayay ka horreeyaan Manchester City – Carragher-na wuxuu aaminsan yahay inay noqon doonto ‘musiibo’ haddii Chelsea ay seegto tartanka Yurub xilli-ciyaareedka dambe.
Carragher wuxuu sheegay inuu aad uga niyad-jabay hoos u dhaca Chelsea, balse wuxuu ku adkaystay inuusan weligiis u arkin Blues inay dhab ahaantii tartan u galeyso horyaalka sababo la xiriira Sanchez iyo Jackson.
Sanchez wuxuu sameeyaa khaladaad badan oo keena goolal, halka Jackson uu hal gool oo kaliya dhaliyay tan iyo bilowgii December.
Isagoo ka hadlayay xaalada Chelsea ee Stamford Bridge, xiddigii hore ee Liverpool iyo xulka England Carragher wuxuu ku yiri The Overlap US:
“Mashruucu wuxuu u muuqday mid sax ah, natiijooyinku wey fiicnaayeen. Waxaa jiray kulan ay hoggaanka Premier League qaban kareen. Waxay u muuqatay in wax walba isku aadayaan, aniguna waxaan u arkayay inay kamid yihiin saddexda kooxood ee tartanka u gelaya horyaalka.”
“Laakiin run ahaantii aad ayaan uga niyad-jabay. Marna maan aaminsanayn inay ku guuleysan karaan horyaalka sababo la xiriira goolhayaha iyo weeraryahanka – ma gaarin heerka sare. Daafacyadooduna ma gaarin heerka sare.”
“Hoos u dhaca Chelsea waa walaac dhab ah oo ay qabaan madaxda sare ee kooxda. Haddii aysan u soo bixin Champions League xilli-ciyaareedka dambe, kaddib laba sano oo ay maqnaayeen iyo qarashka baaxadda leh ee ay galeen, taasi waa musiibo.”