Kooxda Manchester United ayaa si buuxda u dhammaystirtay heshiiska ay Mauricio Pochettino uga dhigayso tababaraha cusub ee kooxda, isagoo beddelaya Michael Carrick oo shaqada laga cayriyay.
Wariyaha caanka ah ee Fabrizio Romano ayaa ku dhawaaqay hal-ku-dhiggiisa “Here we go”, isagoo xaqiijiyay in United ay heshiis rasmi ah la gaartay Xiriirka Kubadda Cagta ee Mareykanka (US Soccer Federation).
Sida uu ku warramayo David Ornstein oo ka tirsan shabakadda The Athletic, Pochettino ayaa qalinka ku duugi doona qandaraas laba sano iyo bar ah oo ku eg ilaa bisha Juun ee sanadka 2029.
Manchester United ayaa bixin doonta lacag dhan 10 milyan oo doolar (£7.4 milyan) oo lagu burburinayo qandaraaska macallinkan reer Argentina. Pochettino ayaa sii hoggaamin doona xulka Mareykanka labada kulan ee wareegga siddeed-dhammaadka tartanka Concacaf Nations League oo ay Sabtida iyo Talaadada la ciyaarayaan xulka Haiti.
Si kastaba ha ahaatee, magacaabistiisa rasmiga ah ayaa lagu dhawaaqi karaa ugu horrayn maalinta Jimcaha.