Kylian Mbappé: “Dabcan waxaan sameyn karnaa soo laabasho” – Real Madrid oo rajeyneysa in ay ka soo kabsato guuldarro 3-0 ah oo ka soo gaadhay Arsenal
London — Xiddiga xulka qaranka France ee Kylian Mbappé oo haatan u ciyaara kooxda Real Madrid ayaa ku adkaystay in kooxdiisu wali haysato fursad ay kaga soo laabato guuldarro 3-0 ah oo ay kala kulantay Arsenal ciyaartii lugta hore ee wareegga siddeed dhammaadka tartanka UEFA Champions League.
Ciyaarta oo ka dhacday garoonka Emirates Stadium ee magaalada London, ayaa Arsenal ay ku muujisay awood ciyaaareed oo heer sare ah, waxaana goolasha Gunners u kala dhaliyay Declan Rice (2 gool) iyo Mikel Merino (1 gool), taasoo keentay in kooxda tababare Mikel Arteta ay si xoog leh ugu dhowaato u gudbidda semi-finalka tartanka.
Guuldarradan ayaa noqotay mid xanuun badan oo kooxdii 14-jeer hanatay Champions League kala kulantay, balse Kylian Mbappé ayaa ka muuqday kalsooni, isagoo fariin cad u diray kooxda Arsenal kadib dhamaadka ciyaarta.
“Dabcan waxaan sameyn karnaa soo laabasho lugta labaad,” ayuu yiri Mbappé, isaga oo muujinaya in aysan Real Madrid weli ka quusan rajooyinka tartanka.
labada kooxood ayaa mar kale is arki doona 16-ka April, iyadoo ciyaarta lugta labaad lagu qaban doono garoonka Santiago Bernabéu ee magaalada Madrid. Ciyaartaas ayaa noqon doonta mid go’aamin doonta kooxda u gudbi doonta semi-finalka Champions League.
Real Madrid, oo taariikh weyn ku leh tartankan, ayaa la filayaa in ay si buuxda ugu diyaar garowdo kulankaas, iyadoo rajeynaysa habeen kale oo cajiib ah oo ay ku badbaadiso xilli ciyaareedkeeda Yurub.