Kooxaha Horyaalka Premier League Loogu Jecel Yahay Daawashadooda Iyo Kuwa Ugu Caajiska Badan

Kooxaha horyaalka Premier League ayaa lagu kala saaray sida loogu raaxaysto daawashada ciyaarahooda, iyadoo Manchester United ay ka sare martay Arsenal.

Brighton ayaa loo aqoonsaday kooxda ugu xiisaha badan horyaalka xilli-ciyaareedkan. Kooxdan oo uu hoggaamiyo tababare Fabian Hurzeler ayaa soo bandhigtay ciyaaro ku dhisan weerar, iyagoo dhaliyay goolasha ugu badan isla markaana garaacay City iyo Arsenal.

Chelsea ayaa gashay kaalinta labaad maadaama kulamadeeda la dhaliyo goolal badan inkastoo daafacoodu liito, halka Bournemouth, Tottenham iyo Liverpool ay soo buuxiyeen shanta sare.

Manchester United ayaa fadhida kaalinta lixaad, balse kuma aysan mutaysan ciyaar wanaag. Waxaa lagu xushay sida ay toddobaad walba isugu ceebeeyaan garoonka dhexdiisa iyo khilaafyada joogtada ah ee ka dhex taagan ciyaartoyda iyo maamulka, taas oo madadaalo u ah daawadayaasha.

Dhanka kale, Arsenal ayaa gashay kaalinta sagaalaad. Inkastoo daafaceedu adag yahay, haddana weerarkooda ayaa lagu tilmaamay mid caajis ah oo aan lahayn xiddigo soo jiidasho leh.

Ugu dambeyn, Manchester City ayaa laga riday kaalinta 20-aad ee ugu hooseysa. Dacwadaha racfaanka ah ee weli ku furan kooxda ayaa ciyaarahooda ka dhigay kuwo aan dhadhan lahayn, halka Sunderland, Newcastle iyo Crystal Palace lagu daray kooxaha ugu caajiska badan horyaalka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

RELATED ARTICLES

Most Popular

- Advertisment -

Most Popular