Da’yarka weerarka ka ciyaara ee JJ Gabriel ayaa sharraxay sababta uu kooxda Real Madrid uga doortay Barcelona, isagoo magaalada Madrid waraysi gaar ah ku siiyay wargeyska MARCA. Laacibkan 16 jirka ah ayaa haatan tababar gaar ah ku qaadanaya Spain ka dib markii uu ka baxay akadeemiyadda Manchester United.
Mar la weydiiyay sababta uu Madrid uga doortay Barcelona, wuxuu ku jawaabay: “Sida iska cad, waa Madrid.” Wuxuu sidoo kale xusay in riyadiisa ugu weyn ay tahay ku guuleysiga abaalmarinta Ballon d’Or.
Wakiilkiisa Ali Barat ayaa haatan wadahadallo kula jira Real Madrid oo doonaysa inay ku darto kooxdeeda labaad ee Castilla, halkaas oo ay horey uga soo baxeen Vinicius Junior iyo Federico Valverde.
Si kastaba, heshiiskan lama dhammaystiri karo ilaa bisha Janaayo maadaama uu weli u diiwaangashan yahay Manchester United. Xeerarka FIFA ayaa oggolaanaya inuu wareego maadaama uu haysto baasaboorka dalka Ireland oo ka tirsan Midowga Yurub.
Manchester United ayaa aad uga xun bixitaankiisa ka dib markii uu diiday qandaraas cusub iyo xitaa qol gaar ah oo laga siin lahaa garoonka cusub ee Old Trafford. United ayaa heshiiskan ka heli doonta magdhow tababar oo dhan 350,000 oo gini.