Isku aadka wareegga labaad ee tartanka FA Cup-ka xilli ciyaareedka 2026/2027 ayaa la sameeyay, iyadoo kooxdii hore ugu guuleysatay Leicester City ay booqan doonto Dover Athletic oo ka ciyaarta heerarka hoose ee kubadda cagta Ingiriiska.
Kooxaha wareeggan ku jira ayaa hal guul oo keliya u jira inay helaan fursad ay kula ciyaaraan mid ka mid ah kooxaha waaweyn ee Premier League, taasoo dhaqaale badan u soo xareyn karta.
Wimborne Town oo ka ciyaarta heerka toddobaad ayaa garoonkeeda ku martigelin doonta Bradford City, oo u tartamaysa dallacaadda League One.
Dhanka kale, Blackpool iyo Luton Town ayaa iyaguna ku aaday kooxo aan ka tirsanayn horyaallada xirfadeed ee dalka, kuwaasoo kala ah Salisbury iyo AFC Fylde.
Isku aadka oo dhammaystiran:
- Â Chesterfield vs Cheltenham Town
- Guiseley vs Notts County
- Wigan Athletic vs Barnsley
- Exeter City vs Stevenage
- Plymouth Parkway/Berkhamsted vs Barne
- York City vs Carlisle
- Crewe Alexandra vs Plymouth Argyle
- AFC Fylde vs Luton Town
- Barrow vs Kidderminster Harriers
- Colchester vs Mansfield Town
- Rochdale vs Newport County
- Dover Athletic vs Leicester City
- Port Vale vs Leyton Orient
- Grimsby Town vs Oldham Athletic
- Shrewsbury Town vs Burton Albion
- Salisbury vs Blackpool
- Wimborne Town vs Bradford City
- Rotherham vs Bristol Rovers
- Reading vs Stockport County
- Wycombe Wanderers vs MK Dons