Ka dib markii uu Napoli ku hogaamiyay hanashada horyaalkoodii taariikhiga ahaa 2023, Victor Osimhen wuxuu u muuqday inuu adduunka ku maamaulayo lugtiisa.
Ka hadalka mustaqbalka Osimhen waxa ay ahayd sheeko caan ah labadii suuq ee xagaaga ee ugu dambeeyay isdava jiitamaysay.
Gool dhaliye la xaqiijiyay oo leh awood, orod iyo awood hawada sare, Nigerianka waxa uu ahaa mid ka mid ah hibada ugu fiican ee laga heli karo suuqa 18-kii bilood ee la soo dhaafay, marka laga reebo Kylian Mbappe.
Adduunka oo dhan ayaa isha ku haayay in Osimhen uu ka tagi doono Diego Armando Maradona Stadium ka dib ololihiisii wacnaa ee 31-gool, taasoo calaamad u ahayd guushii ugu horeysay ee kooxda tan iyo 1990kii.
In kasta oo ay xiisaynayeen kooxo badan oo Yurub ah, haddana waxba ma rumoobayn.
Ka dib markii uu ogaaday in mustaqbalkiisa gaaban uu u heellan yahay Napoli, 25-sano jirkaan ayaa sii waday inuu dhaliyo 15 gool 25 kulan oo uu saftay xilli ciyaareedkii xigay.
Osimhen wuxuu niyada ku haayay Chelsea Hase yeeshee, go’aankii ugu dambeeyay ee uu kaga baxsanayay Napoli maalintii ugu dambeysay, Osimhen wuxuu amaah ugu biiray Galatasaray.
U dhaqaaqida Galatasaray waxaa laga yaabaa inaysan qayb ka ahayn qorshaha shaqo ee Osimhen, laakiin waxay si fiican u caddayn kartaa tallaabo muhiim ah oo uu u qaaday riyadiisa Premier League ee fog.