Kooxda Liverpool ayaa hadda laba guul u jirta hanashada horyaalka Premier League, kadib markii ay Axaddii 2-1 kaga badiyeen West Ham.
Liverpool waxay kulanka soo galeen iyaga oo 8 dhibcood ka sarreeya Arsenal, taasoo barbaro 1-1 la gashay Brentford maalintii ka horreysay.
Ciyaartoyda uu hogaamiyo Arne Slot ayaa hogaanka ciyaarta qabtay qeybtii hore, kadib markii Mohamed Salah uu kubad qurux badan u dhigay Luis Díaz oo gool u badalay.
West Ham ayaa ciyaarta soo barbareysay daqiiqadihii ugu dambeeyay, kadib markii Andrew Robertson uu iska dhaliyay gool.
Si kastaba, Virgil van Dijk ayaa noqday geesiga kooxda kadib markii uu madax ku dhaliyay goolka guusha daqiiqaddii 89-aad ee ciyaartii ka dhacday garoonka Anfield.
Natiijadan ayaa Liverpool ka dhigeysa inay 13 dhibcood ka sare marto Arsenal, waxayna u baahan yihiin kaliya 6 dhibcood (laba guul) si ay u hantaan horyaalka Premier League.