Kooxda Manchester City ayaa si rasmi ah u dhaqan gelisay qodobka kordhinta heshiiska Ilkay Gündoğan, taasoo ka dhigan in khadka dhexe ee khibradda leh uu sii joogayo garoonka Etihad illaa bisha Juun 2026.
Go’aankan ayaa muujinaya kalsoonida kooxda ee tayada iyo hogaaminta Gündoğan ee garoonka iyo kooxda dhexdeeda.
Gündoğan, oo 34 jir ah, ayaa dib ugu soo laabtay City bishii Agoosto 2024 kaddib xilli ciyaareed uu la qaatay FC Barcelona. Markii uu ku soo laabtay, waxa uu saxiixay heshiis hal sano ah oo ay ku jirto qodob oggolaanaya in sanad kale lagu daro haddii uu buuxiyo shuruudo gaar ah. Maaddaama uu shuruudahaas buuxiyay, kooxda ayaa hadda dhaqan gelisay qodobkaas.
Intii uu joogay Manchester City markii hore, muddo toddobo sano ah, Gündoğan waxa uu qeyb weyn ka qaatay guulihii waaweynaa ee kooxda – isagoo la qaaday 5 horyaal Premier League ah, 2 FA Cup, 4 EFL Cup iyo hal Champions League.
Hogaamintiisa iyo khibraddiisa ayaa weli ah kuwo muhiim u ah kooxda uu hoggaamiyo Pep Guardiola. Waxaa intaas dheer in Gündoğan uu qorsheynayo inuu mustaqbalka kusii nagaado kooxda isagoo qaadan doona doorka tababarenimo marka uu kabaxo ciyaaraha.
Kordhinta heshiiskan ma ahan oo kaliya mid uu kusii ciyaarayo garoonka dhexdiisa, balse sidoo kale waa mid dhisaysa saldhig uu mustaqbalka kaga sii shaqeyn karo kooxda.
Iyadoo Manchester City ay wali tartanno badan ku jirto, Gündoğan ayaa la filayaa inuu door muhiim ah ka ciyaaro dadaalka kooxdu ugu jirto hanashada koobab kale.