Ian Wright Oo Muujiyay Cabsi Weyn: “Uma Malaynayo In Arsenal Ku Guulaysan Doonto Horyaalka Xilli-Ciyaareedkan”

Weeraryahankii hore ee kooxda Arsenal, Ian Wright, ayaa muujiyay cabsida uu ka qabo in kooxdu aysan xilli-ciyaareedkan ku guulaysan horyaalka Premier League.

Arsenal ayaa doonaysa inay taariikhdeeda markii ugu horreysay difaacato koobka horyaalka, balse Wright wuxuu sheegay inuusan ku qanacsanayn tayada weerarka kooxda.

Isagoo ka hadlayay barnaamijka Stick To Football, wuxuu ku boorriyay Arsenal inay bisha Janaayo xoojiso weeraryahannadeeda.

“Uma malaynayo inaan [Arsenal] xilli-ciyaareedkan ku guulaysan doonno horyaalka. Waa in bisha Janaayo wax laga qabtaa saddexda weerar. Goolal ma dhalinayno,” ayuu yiri Wright.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Most Popular

- Advertisment -

Most Popular