Horyaalka Premier League ee Ingiriiska ayaa xaqiijiyay in shan kooxood uu ku yeelan doono Champions League xilli ciyaareedka soo socda kadib markii ay ku guuleysteen mid ka mid ah labada boos ee dheeraadka ah ee loogu talagalay waxqabadka kooxaha Yurub.
Labada horyaal ee ugu sarreeya qiimeynta waxqabadka kooxaha Yurub ayaa helaya waxa loo yaqaano European Performance Spot (EPS), taas oo qeyb ka ah nidaamka cusub ee lagu balaariyay Champions League-ga si uu u noqdo tartan 36 kooxood ah.
England ayaa muddo dheer hogaaminaysay qiimeynta, waxaana booska dheeraadka ah si rasmi ah loogu xaqiijiyay guuldarrooyin isdaba joog ah oo soo gaaray kooxaha Talyaaniga marxaladaha kala-baxa ee tartamada Yurub.
Premier League wuxuu u baahnaa hal guul ama labo barbaro oo kaliya si uu u xaqiijiyo booskaas, waxaana taasi la gaaray Arbacadii markii Arsenal ay 3-0 ku garaacday Real Madrid kulan ka dhacay gurigooda.
Waxaa hadda la xaqiijiyay in booska shanaad ee Premier League uu si toos ah ugu soo bixi doono Champions League. Chelsea iyo Newcastle United ayaa leh min 53 dhibcood, inkastoo Newcastle ay ciyaar u harsan tahay. Kooxo kale oo u dagaalamaya shanta sare waxaa ka mid ah Manchester City (52), Aston Villa (51), Fulham (48) iyo Brighton (47).
Aston Villa haddii ay ku guuleysato Champions League isla markaana ay ku dhammeysato kaalinta shanaad, markaas waxaa Champions League u soo bixi doona lix kooxood: afarta sare, kooxda difaacaneysa Champions League, iyo EPS oo markaa u dhaadhici doona kaalinta lixaad.
Tirada ugu badan ee kooxaha Premier League ee Champions League tagi kara waa toddobo: afarta sare, EPS, kooxda hanata Champions League (Villa ama Arsenal) iyo koox hanata Europa League sida Man United ama Tottenham.
Waxaa suuragal ah in 11 kooxood oo Premier League ah ay matalaan Yurub xilli ciyaareedka dambe haddii Villa, Man United ama Spurs ay ku guuleystaan Champions League, Europa League ama Conference League isla markaana ay ka baxaan boosaska u qalma Yurub ee horyaalka gudaha. Kooxda hanata tartanka Yurub waxay si toos ah ugu biirtaa tartanka xiga, xitaa haddii aysan boos helin gudaha horyaalka.
Haddii Arsenal ama Aston Villa ay ku guuleystaan Champions League isla markaana ay ku dhammeeystaan afarta sare, boos dheeraad ah oo Premier League ah ma jiri doono – kaliya shanta kooxood ee ugu horeysa ayaa gudbi doona.
Spain, oo ay weli shan kooxood uga hadheen tartamada Yurub sida Premier League, ayaa la filayaa inay hesho booska labaad ee EPS – inkastoo ay weli suuragal tahay in ay Talyaaniga kaga adkaadaan.
Xilli ciyaareedkii hore, Talyaaniga iyo Jarmalka ayaa helay labada boos ee dheeraadka ah, waxaana Bologna iyo Borussia Dortmund ay ka faa’iideysteen fursaddaas iyagoo kaalinta shanaad kaga soo baxay horyaalada dalkooda.