Halyeey Manchester United Ah Oo Saadaaliyay In Kooxdiisii Hore Ay U Dhaadhici Doonto Heerka Labaad

Halyeeygii hore ee kooxda Manchester United, Teddy Sheringham, ayaa sharraxay sababta uu u aaminsan yahay in kooxdiisii hore ay xilli-ciyaareedkan ka hari doonto horyaalka Premier League haddii ay ku sii socoto qaab-ciyaareedkeeda haatan.

Red Devils ayaa fasaxa xulalka qaranka ku aadday kaalinta 18-aad ee kala sarreynta horyaalka, iyagoo badiyay saddex kulan oo keliya 15-kii ciyaarood ee ugu horreeyay tartammada oo dhan, taas oo keentay in shaqada laga cayriyo Michael Carrick isla markaana lagu beddelo tababare Mauricio Pochettino.

Isagoo la hadlayay BOYLE Sports, Sheringham ayaa yiri: “Manchester United way ka hari doontaa horyaalka haddii ay sidan ku sii socoto. Ma jiro farqi weyn oo u dhexeeya kooxaha Premier League haatan. Haddii kooxaha kale ay bixinayaan dadaal 100% ah, waxaa safafkooda ku jira tayo badan sida Hull City, Ipswich iyo Coventry City.”

Weeraryahankii hore ee United ayaa xusay in kooxaha soo dalacay ay lacag fiican ku qarashgareeyaan ciyaartoy wanaagsan oo adduunka daafihiisa laga keenay, sidii ay Sunderlandba muujisay sanadkii hore. Wuxuu ku dooday in United aysan la sinmi karin dadaalka kooxahaas marka ay ciyaartu tahay 0-0, taas oo keenta in si xun loo kashifo.

Ugu dambeyn, Sheringham ayaa uga digay taageerayaasha United ee u arka u laabashada heerka labaad xal lagu eryi karo milkiilayaasha Glazers iyo INEOS, isagoo sheegay inay taasi keeni doonto oo keliya dhimis dhanka kharashaadka ah oo ka sii daran midda hadda jirta.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Most Popular

- Advertisment -

Most Popular