Waxaa la filayay in Vinicius Jr uu ku guuleysto Ballon d’Or sanadkan.
Xiddiga Real Madrid wuxuu xilli ciyaareedkii hore ku dhawaaday abaal-marinta, balse waxaa si muran leh uga dul qaaday xiddiga khadka dhexe ee Manchester City, Rodri.
Si kastaba ha ahaatee, haatan xitaa Vinicius ma ahan ciyaaryahanka ugu fiican kooxda Real Madrid, waayo waxaa sare uga kacay xiddiga reer France Kylian Mbappé, oo qaab ciyaareed heer sare ah soo bandhigay kaddib bilow daciif ah oo uu la kulmay markuu yimid Spain.
Laakiin guud ahaan qaaradda Yurub, ma jiro ciyaaryahan u dhigma Mohamed Salah. Xiddiga reer Masar wuxuu xilli ciyaareedkan horey u dhaliyay 25 gool wuxuuna caawiyay 17 gool kale, kaliya 28 kulan oo uu ciyaaray tartamada oo dhan.
Qaab ciyaareedkiisa cajiibka ah ayaa Liverpool ka dhigtay hogaanka Premier League iyagoo 13 dhibcood ka sareeya kooxaha kale, una dhaw hanashada horyaalkoodii 20-aad, taasoo la micno ah inay la sinmayaan rikoodhka Manchester United. Liverpool waxay sidoo kale hoggaanka ku dhammeysatay wareega guruubyada Champions League, waxaana loo arkaa inay yihiin kuwa ugu cadcad ku guuleysiga koobka.
Arrimahaas darteed, Salah ayaa si weyn loogu hadal hayaa inuu ku guuleysan karo Ballon d’Or.
Laakiin su’aasha taagan waa: Maxay tahay sababta ciyaaryahannada Afrika aanay ugu guuleysan abaal-marintan 30-kii sano ee la soo dhaafay?
“Si daacad ah, ciyaaryahannada kaliya ee Afrika kasoo jeeda ee si dhab ah ugu qalmi lahaa abaal-marintan tan iyo markii George Weah uu ku guuleystay 1995, waxay ahaayeen Samuel Eto’o iyo Didier Drogba,” ayuu yiri qoraaga JJ Omojuwa oo la hadlay DAILYMAIL.
“Laakiin waa in la xasuustaa in xilligii ay ciyaarayeen ay jireen xiddigo waaweyn sida Messi iyo Cristiano Ronaldo, kahor intii aysan iyagana jirin halyeeyadii Ronaldo Nazario, Ronaldinho, Zidane iyo kuwa kale.
“Waxaan ognahay in abaal-marinnadan la bixiyo xilli gaar ah – Rodri wuxuu ku guuleystay sanadkii hore, laakiin xilligii aan soo sheegnay xitaa kuma uusan soo dhowaan laacibka ugu fiican.
Sanadkii hore, France Football, oo ah wargeyska qaban-qaabiya Ballon d’Or, wuxuu shaaciyay saddexda shuruudood ee ay ku xushaan ciyaaryahanka guuleysta:
1. Waxqabad shaqsiyeed, go’aaminta kulammada iyo qaab ciyaareed layaableh.
2. Guulaha uu la gaaray kooxdiisa iyo waxqabadka kooxdu.
3. Anshaxa iyo ciyaar wanaagga.
Maxaa Salah Ka Hor Istaagi Kara Ku Guuleysiga Ballon d’Or Sanadkan?
“Ma garanayo xilliga rasmiga ah ee abaal-marintu dhici doonto, laakiin haddii ay dhacdo kahor AFCON, markaas Salah waxa kaliya ee ka hor istaagi kara waa haddii Liverpool aysan gaarin semi-finalka Champions League ama haddii xilli ciyaareedka 2025/26 uu si aad u liidata ku billowdo.”