“Hadda Waa Fursaddiisa” – Rio Ferdinand Oo Magacaabay Xiddiga Ay Tahay Inuu Ka Faa’iideysto Dhaawaca Baleba

Halyeeyga kooxda Manchester United, Rio Ferdinand, ayuu u doortay Youri Tielemans inuu yahay ciyaaryahanka looga baahan yahay inuu is-muujiyo ka dib dhaawicii soo gaaray laacibka khadka dhexe ee Carlos Baleba.

Baleba ayaa dhaawac muruqa bowdada ah uu soo gaaray kulankii Champions League ee bartamihii toddobaadkan ay United 3-2 kaga adkaatay AS Roma, ciyaartaas oo ka dhacday garoonka Old Trafford laguna beddelay Tielemans daqiiqaddii 51-aad.

Ferdinand oo ka hadlayay barnaamijkiisa Rio Ferdinand Presents ayaa sheegay inay tahay wax wanaagsan in la arko Tielemans oo soo laabtay, isagoo rajeeyay inuu halkiisa ka sii wado.

“Marka aad eegto ciyaaryahan isaga oo kale ah, gaar ahaan maadaama uu hadda Baleba dhaawacan yahay, waxaad doonaysaa inuu helo kulamo xiriir ah oo uu soo ceshado qaab-ciyaareedkiisa fiican, korna u qaado heerkiisa si uu qayb muhiim ah uga noqdo kooxda,” ayuu yiri Ferdinand.

Baleba ayaa la filayaa inuu seego kulanka horyaalka Premier League ee ay Manchester United maalinta Axadda la ciyaari doonto Aston Villa, waxaana suurtagal ah in Tielemans uu booskiisa buuxiyo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

RELATED ARTICLES

Most Popular

- Advertisment -

Most Popular