Xiddiga khadka dhexe ee Liverpool ee Thiago Alcantara ayaa ugu dambayn kusoo laabatay tababarka kooxda koowaad markii ugu horreysay xilli-ciyaareedkan, waxaana uu tababare Jurgen Klopp dib u helayaa khibrad iyo tamar u imanaysa waqti xaasaasi ah.
Kubbad-sameeyahan reer Brazil ee u ciyaara xulka qaranka Spain, ayaa illaa hadda ku maqnaa dhaawac kasoo gaadhay muruqa bishii April ee sannadkii hore, waxaana uu maray qalliin adag oo kasoo kabashadiisu ay waqti dheer qaadatay.
Xilli-ciyaareedkan socda illaa hadda kama aanu soo muuqanin kooxdiisa, balse muddooyinkii dambe ayaa uu ku sugnaa Kirkby oo uu ciyaartoyda kooxdiisa si buuxa tababarka ugula qaadanayay.
Ka hor ciyaartii ay 4-1 ku xasuuqeen Chelsea, tababare Jurgen Klopp ayaa ka hadlay Thiago Alcantara oo yidhi: “Thiago waxa uu tababarka qaadanayaa markii ugu horreysay, waana arrin noo fiican, waana calaamad cajiib ah laakiin waqti ayuu u baahan yahay.”
Liverpool waxay Axadda waajahaysaa Arsenal oo ay ku booqanayso Emirates Stadium, waxaana ciyaartan aan qayb ka noqon doonin Thiago Alcantara sida uu ku warramayo wariyaha ciyaaraha ee Daveockop, balse ciyaarta xigta ee Burnley ee February 10 ayaa uu taam buuxa noqon doonaa oo lagu soo dari doonaa liiska ciyaartoyda Liverpool.
Thiago Alcantara ayaa Liverpool ay £20 milyan oo Gini kaga soo iibsatay Bayern Munich sannadkii 2020, waxaanu u saftay 97 ciyaarood oo kaliya isaga oo dhaawacyo ku seegay 100 ciyaarood oo ay kooxdiisu dheeshay.
Heshiiska uu kula jiro Liverpool ayaa dhacaya xagaaga foodda inagu soo haya, waxaanay u badan tahay oo la filayaa inuu ka tegi doono, iyadoo kooxo horyaalka Sucuudiga ah iyo Flamengo oo waddankiisa dhabta ah ee Brazil ka dhisan ay doonayaan.