Goolhayaha Ugu Fiican Premier League? Arsenal Oo David Raya Ku Abaalmarinaysa Heshiis Cusub

Kooxda Arsenal ayaa heshiis hordhac ah oo waqti dheer la gaartay goolhayaheeda David Raya, iyadoo xiddigan uu saxiixi doono heshiis mushaharkiisa lagu kordhinayo inkastoo qandaraaskiisa haatan uu soconayo ilaa sanadka 2028.

Kordhintan ayaa ka tarjumaysa maqaamka 31 jirkan oo ka mid ah goolhayayaasha ugu fiican adduunka, waxayna qayb ka tahay dadaallada ay maamulka Arsenal ugu jiraan inay sii xajistaan lafdhabarta kooxda, ka dib markii Declan Rice iyo Jurrien Timber ay iyaguna ogolaadeen heshiisyo cusub.

Raya ayaa markii hore qaab amaah ah kaga soo biiray kooxda Brentford sanadkii 2023, ka hor inta aysan Arsenal si rasmi ah ugula wareegin aduun lacageed oo dhan 27 milyan oo gini bishii Luulyo 2024.

Goolhayahan u dhashay dalka Spain ayaa ku guuleystay abaalmarinta Golden Glove-ka ee horyaalka Premier League saddexdiisii xilli-ciyaareed ee ugu horreysay ee uu joogay garoonka Emirates, isagoo xilli-ciyaareedkii la soo dhaafay shabaqiisa ilaashaday 19 kulan oo horyaalka ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Most Popular

- Advertisment -

Most Popular