Daaficii hore ee kooxda Chelsea, Glen Johnson, ayaa kula taliyay kooxdiisii hore inay suuqa bisha Janaayo qaab amaah ah kula soo wareegaan xiddiga Real Madrid ee Trent Alexander-Arnold.
Johnson ayaa aaminsan in daafacan reer England uu aad uga niyad-jabsan yahay waqtiga kooban uu garoomada ku qaato.
Isagoo la hadlayay shabakadda SeatPick, Johnson ayaa yiri: “Hubaal wuu ka xun yahay inuu door aad u yar ka ciyaaro. Waxaan aaminsanahay inuu bartilmaameed fiican u noqon karo Chelsea bisha Janaayo. Waxay ku heli karaan amaah, taas oo si weyn ugu fiican labada dhinacba.”
Alexander-Arnold ayaa horay uga soo hoos ciyaaray tababaraha haatan ee Chelsea, Xabi Alonso, xilligii uu macallinkan reer Spain joogay garoonka Santiago Bernabeu. Xiddigan ayaa sanadkii hore uun ku biiray Real Madrid, balse haatan wuxuu wajihi karaa inuu dib ugu soo laabto horyaalka Premier League haddii ay Chelsea tixgeliso taladan.