Barcelona, Spain – Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Barcelona, Pablo Martín Páez Gavira oo loo yaqaano Gavi, ayaa si cad u muujiyey jacaylka uu u qabo kooxda uu kasoo baxay, isagoo sheegay in uu doonayo in uu noloshiisa ciyaareed ku dhameeysto Barcelona.
Gavi oo la hadlay warbaahinta ayaa yiri:
“Waxaan jeclaan lahaa inaan ku nasto Barcelona. Waa kooxdayda, waa gurigeyga, halkan ayaan ku koray, waxaana diyaar u ahay inaan halkaan sii joogo inta ay ii suurta gasho.”
Hadalkan ayaa farxad geliyey taageerayaasha kooxda, gaar ahaan iyadoo la ogyahay in Gavi uu yahay mid kamid ah ciyaartoyda ugu hibada badan ee kasoo baxay La Masia, xarunta dhalinyarada ee Barcelona.
Xilli ciyaareedkan, inkastoo uu dhaawac soo gaaray, haddana Gavi wuxuu caddeeyey inuu yahay tiir muhiim ah oo ay kooxda mustaqbalkeeda ku dhisi karto.
Kooxda iyo maamulka sare ee Barcelona ayaa horey u muujiyey sida ay uga go’an tahay inay mustaqbal dheer la yeeshaan Gavi, waxaana la filayaa in heshiis rasmi ah oo cusub laga shaqeeyo dhammaadka xilli ciyaareedka.
Gavi oo 20 sano jir ah, ayaa horey ugu guuleystay koobab muhiim ah, waxaana loo arkaa inuu yahay mid kamid ah ciyaartoyda mustaqbalka ifaya ee kubadda cagta Spain.