Toni Kroos ayaa dhamaadkii ciyaartii ay ka badiyeen Bayern Munich ee ay ku xaqiijisteen u soo bixitaankooda finalka Champions League waxa uu ka nixiyay taageerayaasha Los Blancos.
Xilli la isla dhexmarayo inuu ciyaaraha ka fariisanayo islamarkaana aysan jirin weli wax la xaqiijiyay ayuu Toni Kroos sameeyay ficil muujinaya go’aanka uu ka gaaray mustaqbalkiisa Los Blancos.
Xiddiga Jarmalka ayaa ka haray ciyaartoyda Real Madrid oo aaday qolka labiska ciyaarta ka dib. Toni Kroos wuxuu sii dhex joogay garoonka iyadoo taribuunka uu faaruq ahaa, wuxuu dhan walba ka eegay garoonka Bernabeu.
Waxa uu markii ugu horeysay eegay kursiga keydka ka dib cawska garoonka iyo taribuunka garoonka, waxaa ku wehliyay xaaskiisa iyo caruurtiisa.
Waxay u muuqatay in Toni Kroos uu macsalaameynayo Bernabeu madaama ay tahay kulankii ugu danbeeyay ee ay Real Madrid ku ciyaarto garoonka xilli ciyaareedkan.
Sida ay sheegtay jariirada Marca, Toni Kroos weli ma xaqiijinin mustaqbalkiisa iyadoo ciyaartoyda kooxda ay ku qalqaalinayaan inuu hal xilli ciyaareed kale la sii joogo, laakiin xiddiga Jarmalka ayaa weli aamusan taasoo shidaal ku sii shubeysa wararka xanta ee la xiriira inuu ciyaaraha ka fariisanayo.
Waxa uu mar sii horeysay yiri: “Waxaan doonayaa inaan kubada cagta ka tago anigoo meel sarre jooga.” Mana jirto meel ka sareysa hanashada horyaalka La Liga, final Champions League iyo inuu Qaramada Yurub u ciyaaro wadankiisa.
Sidii uyahay kulankii ugu danbaayay ee barnabeu sawka laba kulan oo la liga ah hadhsanyihiin