Fermín Lopez Oo Magacaabay Xiddiga Ugu Fiican Dunida Waqti Xaadir Kaan

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Barcelona, Fermín Lopez, ayaa ku tilmaamay Lamine Yamal, ciyaaryahanka ugu fiican adduunka, isagoo sharraxay sida saaxiibtinimadooda ay uga caawisay inay is-faham xooggan ku yeeshaan kooxda dhexdeeda.

Laacibkan 23 jirka ah oo dhowaan saftay kulankiisii 150-aad ee kooxda koowaad, ayaa aaminsan in aqoonta uu Yamal u lahaa tan iyo yaraantoodii ay ka dhigtay xiriirkooda garoonka dhexdiisa mid aad u adag.

Fermín oo la hadlayay wargeyska Mundo Deportivo ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in Yamal uu ku dareemo raaxo kooxda marka uu isaga ka garab ciyaarayo, wuxuuna yiri: “Wax weyn ayay iiga dhigan tahay sababtoo ah aniga ahaan isagu waa kan ugu fiican. Xaqiiqda ah inuu igu qanacsan yahay ciyaaryahan ahaan, iyo inaan leenahay is-fahamkaas iyo xiriirkaas, waxay muhiim u tahay aniga iyo kooxdaba.

Lamine waxaan is-naqaannay tan iyo yaraanteennii, marka aad saaxiib ku tihiin garoonka dibaddiisa, waxaad yeelanaysaan is-fahamkaas, waxayna ka sii fududaanaysaa garoonka dhexdiisa. Si buuxda ayaad isu taqaannaan, waxaana aaminsanahay in aniga iyo isagu aan boqolkiiba boqol is-fahansannahay.

Waana waxa aan isku dayno inaan garoonka ku samayno, aad ayaana ugu faraxsanahay inaan la ciyaaro sababtoo ah, haddii aan runta sheego, waa kan ugu fiican.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

RELATED ARTICLES

Most Popular

- Advertisment -

Most Popular