kulamo adag ayaa la sugayaa isbuuca soo socda, dib usoo laabashada Premier League Liverpool iyo Chelsea oo ciyaaraya axada ayaa ah kulanka aadka loo wada sugi doono.
DAALKA CIYAARTOOYDA
CIyartooy dhowr ah oo ka ciyaarta Premier League, ayaa kasoo muuqday kulamadii caalamiga ahaa ee UEFA Nations League iyo isreeb-reebka Koobka Qaramada Afrika.
Kulamada ugu dambeeya ee fasaxa caalamiga ah oo ay ciyaareen Scotland, Northern Ireland, Spain, Portugal iyo Poland dhamaantood waxaa ku lug lahaa xiddigo ka ciyaara Premier League.
Haddaba soo laabashada ciyartooyda ugu dambeyn ilaa jimcaha ayaa socan doontaa, inkastoo inta ugu badan durba diyaargarow xoogan ugu jiraan isbuuca soo laabashada kulamada sideed ee Premier League.
KULAMADA XIISAHA LEH
Horyaalka Premier League wuxuu ku soo laabanayaa kulanka Derby London oo dhadhan fiican leh, Tottenham Hotspur ay martigelineysa West Ham United.
Jamaahiirta Spurs ayaa aad ugu baahnaan doona guul ay ku gaadhaan garoonkooda ka dib markii ay kooxdoodu ka badisay Brighton kulankii ugu dambeeyay.
Shanta ciyaarood ee dhacaya sabtida waxaa kamid ah Southampton oo la ciyaareysa Leicester City, halka Everton ay booqanayso Ipswich Town.
Man Utd ayaa rajeyneysa inay ku soo laabato wadada guusha marka ay la ciyaarayaan Brentford, halka Newcastle United iyo Brighton, Fulham iyo Aston Villa ciyaari doonaan.
MUHIIMADA KULANKA ARSENAL
Axada Arsenal haddii garaacdo Bournemouth, waxay qaban karaan hogaanka, maadaama ciyaarta Liverpool waqti ka dambeysa Gunners soo galeyso.