Waxaa xumaaday xiriirkii u dhaxeeyay Ezno Fernandez iyo xiddiga khakda dhexe ee Manchester United ka dib markii laacibka Chelsea uu saaxiibkiisii hore ku tilmaamay “fulay” ka dib kulankii xusuusta lahaa ee Khamiistii ka dhacay Stamford Bridge.
Iyadoo Man United ay muuqatay inay seddexda dhibcood heleyso ka dib markii ay ka soo kabsadeen hogaan 2-0 ah islamarkaana ciyaarta kula wareegeen 3-2, waxaa labadii daqiiqo ee waqtigii dhimashada ku dilay Cole Palmer oo guusha u sahlay Chelsea.
Taageerayaasha Blues ayaan qarsanin dareenkooda xiddigoodii hore. Mount ayaa kaliya lix sanno jir ahaa markii uu Chelsea ku biiray 2005tii, wuxuuna kooxda la joogay 18 sannadood ka hor inta uusan ku biirin Man United xagaagii hore hishiis 55 milyan ginni ah. Markii uu bedel ciyaarta ku soo galay waxaa lagu soo dhaweeyay oorin, sidoo kalena waa lagu oorinayay mar kasta uu kubada taabto.
Waxyaabihii ugu horeeyay ee uu Mason Mount qeybta ahaa waxay aheyd inay isku dhaceen Enzo Fernandez ka hor inta la kala qabanin.
Ka dib markii Palmer uu xaqiijiyay guushii Chelsea, Enzo Fernandez ayaan ilaawin dagaalkii Mason Mount, wuxuuna u tagay xiddiga Man United isagoo ku qeylinaya: “Tani waa Chelsea, fulay, fulay, fulay.”
Mason Mount ayaa is xakameeyay, wuxuuna diiday inuu u jawaabo xiddiga reer Argentina isagoo u dhoolacadeeyay ka hor inta uusan ka dhaqaaqin.