Ciyaaryahankii hore ee khadka dhexe ee xulka France iyo kooxda Arsenal, Emmanuel Petit, ayaa sheegay in Arsenal ay iyadu isku tahay khatarta ugu weyn ee ka hor istaagi karta horyaalka Premier League.
Petit oo ka hadlayay Sky Sports ayaa markii la weydiiyay cidda khatarta ugu weyn ku ah Arsenal, wuxuu ku jawaabay: “Iyaga laftooda. Sababtoo ah waxaan aaminsanahay inay yihiin kooxda ugu fiican Premier League dhinacyo badan.”
Wuxuu intaas ku daray: “Runtii waxaan ku kalsoonahay inay sii wadi doonaan waxa ay haatan samaynayaan. Way u ooman yihiin guulaha, waxayna doonayaan koobab badan.”
Arsenal ayaa haatan lix dhibcood ka sarreysa kooxaha Brighton iyo Manchester City ee ku xiga kala sarreynta horyaalka Premier League.