Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa dib u heshay difaaca reer Brazil ee Eder Militao oo si buuxda ugu soo laabtay tababarka ka hor kulanka Axadda ee Celta Vigo, waxaana la arkayay laacibkan oo si dhibaato la’aan ah ciyaartoyda kale ugu dhax jira oo kubadda la ciyaaraya.
Eder Militao oo uu dhaawac jilibka kasoo gaadhay ciyaartii koowaad ee horyaalka LaLiga ee xilli-ciyaareedkan ayaa lagu sameeyey qalliin jilibka ahaa, waxaana la filayey inuu garoomada ka maqnaado xilli-ciyaareedka oo dhan, hase yeeshee laacibkan ayaa sameeyey soo kabasho ka dhakhso badan sidii hore loo filayey.
Maalintii labaad oo xidhiidh ah ayay u ahayd Eder Militao ee uu ciyaartoyda kooxdiisa tababarka kula qaatay garoonka Valdebebas, waxaanay taasi ka dhigan tahay inay waqti hore ku tahay ciyaarta Celta Vigo oo aanu dheeli doonin, waxaana sidaas oo kale ah goolhaye Thibaut Courtois oo labadii subuuc ee ugu dambeeyey tababarka la qaadanayay kooxdiisa laakiin wali u baahan inuu jidhkiisu taam noqdo maadaama uu muddo ka maqnaa garoomada oo uu xataa dhaawaciisu kasii horreeyey Eder Militao.
Tababaraha Real Madrid ee Carlo Ancelotti ayaa sheegay, in Eder Militao iyo goolhaye Thibaut Courtois ay labaduba awoodi doonaan inay ciyaaraan marka laga soo laabto ciyaaraha caalamiga ah ee bishan March loo baxayo, taas oo ka dhigan inay taam u noqon doonaan oo liiska kooxda lagu soo dari doono ciyaarta Athletic Bilbao ee March 31.