Tababarihii hore ee xulka qaranka Faransiiska, Didier Deschamps, ayaa ku wargeliyay kooxda Manchester United inuusan xiisaynayn inuu noqdo tababarahooda xiga.
Sida uu ku warramayo wargeyska Mirror ee ka soo baxa dalka Ingiriiska, maamulka United ayaa la xiriiray Deschamps si ay ugala hadlaan suurtagalnimada inuu beddelo Michael Carrick. Kooxda ayaa 58 jirkan u arkaysay macallin leh khibrad iyo taariikh weyn oo dhanka guulaha ah, balse Deschamps ayaa si cad ugu sheegay kooxdan ka ciyaarta horyaalka Premier League inuusan doonayn qabashada shaqadaas.
Carrick ayaa hadda u dagaallamaya sidii uu u badbaadin lahaa shaqadiisa garoonka Old Trafford, ka dib markii uu hal guul oo keliya gaaray sagaalkii kulan ee ugu horreeyay horyaalka xilli-ciyaareedkan.
Deschamps ayaan maamulin wax koox ah tan iyo markii uu ka tagay kooxda Marseille sanadkii 2012-kii, wuxuuna sii wadi doonaa inuu ka fiirsado dalabyada kala duwan ee u imaanaya ka hor inta uusan go’aansan shaqadiisa xigta.