Tababaraha Manchester United, Michael Carrick, ayaa sheegay inuu aad u jecel yahay daafaca Diogo Dalot, maadaama uu mar walba kooxda u shubo dhiigiisa.
Carrick ayaa hadalkan jeediyay kadib markii Manchester United ay Axaddii garoonkeeda Old Trafford barbaro 4-4 ah kula gashay Aston Villa kulan ka tirsanaa Premier League.
Dalot ayaa ku soo billowday kulanka, balse waxaa qaybtii labaad lagu beddelay Patrick Dorgu.
Isagoo hadlayay ciyaarta kadib, Carrick ayaa yiri, sida uu soo xigtay Fabrizio Romano:
“Waan jeclahay Dalot iyo waxa uu kooxda ku soo kordhiyo. Diogo wax walba ayuu u sameeyaa kooxda. Wuxuu ka ciyaaraa boosas kala duwan, oo uu ku jiro daafaca bidix. Aad ayuu uga warqabaa mas’uuliyadda kooxda.
“Waxaan jeclahay waxa uu kooxda iyo guud ahaan ciyaartoyda kale ku soo kordhiyo.”
Dalot ayaa Manchester United kaga soo biiray FC Porto sannadkii 2018-kii, waxaana qandaraaskiisa haatan uu dhacayaa sannadka 2028-ka.