London – Declan Rice ayaa galay taariikhda kubadda cagta kadib markii uu noqday ciyaaryahankii ugu horreeyay abid ee labo gool oo laad xor ah ka dhaliya kulan wareega bug-baxa Champions League.
Kulankii dhacay caawa oo Salaaso ah, Arsenal ayaa 3-0 ku xasuuqday Real Madrid garoonka Emirates Stadium, iyadoo Rice uu noqday halyeeyga ciyaarta kadib markii uu labo jeer uu shabaqa soo taabsiiyay laba laad oo xor ah, mida ugu horreysay wuxuu dhaliyay daqiiqaddii 58aad halka kan kalena uu yimid daqiiqaddii 70aad.
Waxaana intaas dheer, labadan gool waxay ahaayeen kuwii ugu horreeyay ee Rice dhaliyo laad toos ah tan iyo markii uu xirfadda kubadda cagta bilaabay. Waa arrin lama filaan ah oo si weyn loola yaabay.
Waxaa la xaqiijiyay in Rice uu noqday ciyaaryahankii ugu horreeyay ee labo gool oo laadad xor ah ka dhaliya hal kulan oo wareegyada bug-baxa Champions League ah. Waxa uu si gaar ah uga horeeyay ciyaaryahano waaweyn sida Cristiano Ronaldo, Neymar iyo Rivaldo oo horey sidan oo kale ugu soo dhaliyay laba gool kulan keliya, balse dhammaantood waxay ahayd kulammo group stage ah ama aan ahayn bug-bax.
Goolasha Rice ayaa dharbaaxo culus ku noqday kooxda reer Spain, Real Madrid, iyadoo Arsenal haatan si buuxda ugu dhow dahay inay gaarto semi-finalka Champions League markii ugu horreysay tan iyo 2009.
Ciyaarta lugta labaad ayaa ka dhici doonta garoonka Santiago Bernabéu, halkaas oo Real Madrid ay isku dayi doonto inay dib uga soo laabato guuldarradan weyn.
Declan Rice ayaa caawa caddeeyay in uusan kaliya ahayn ciyaaryahan khadka dhexe oo difaac ah balse uu yahay halyeey u qalma in lagu qiimeeyo ciyaartoyda ugu saameynta badan qaaradda Yurub.