Sir Jim Ratcliffe ayaa laga dalbaday inuu shaqada ka caydhiyo tababare Erik ten Hag oo uu magacaabo macallin kale oo kooxda kusoo celin kara dariiqa guulaha, mar haddii laba sannadood oo uu joogay Old Trafford aanay muuqanin saansaan uu kooxda dib ugu soo celin karayo dariiqii guulaha.
Manchester United ayaa xilli-ciyaareedka dambe ka maqnaan doonta tartanka Champions League, waxaana tababare Erik ten Hag uu sii dhamaysanayaa xilli-ciyaareedkiisii labaad.
United oo kaalinta lixaad kaga jirta horyaalka Premier League ayaa koobka kaliya ee ay ku tartamayso uu yahay FA Cup oo finalka ay la ciyaari doonaan Manchester City.
Halyeygii Liverpool iyo xulka qaranka England ee Michael Owen oo sidoo kalena usoo dheelay Real Madrid, Manchester United iyo Newcastle ayaa waxa uu Sir Jim Ratcliffe u sheegay in la gaadhay waqtigii shaqada laga eryi lahaa Erik ten Hag.
Owen oo la hadlay warbaahinta ayaa yidhi: “Erik ten Hag waa in shaqada laga caydhiyo, sababtoo ah illaa hadda kama aynaan arag wax uu horumar ku sameeyey. Anigu ma iibsadeen waxa uu sheegayo, waxa uu sidoo kael sheegayaa waqti badan.
“Sir Jim Ratcliffe waa ganacsade sare, kamana aqayo uu sameeyo go’aamo waaweyn, markaa waa in uu go’aan weyn qaato xagaaga.”
Sir Jim Ratcliffe oo ayaa iska leh 25% mulkiyadda Manchester United, waana shaqsiga maamula naadiga hadda ee ay gacantiisa ku jiraan go’aamada kooxdu.