Tababaraha kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa shaaciyey fursadda xiddigaha kooxdiisa ee Bukayo Saka, Gabriel Martinelli iyo Gabriel Magalhaes ee kulanka Manchester City ee Axadda iyadoo saddexdan ciyaartoy ay dhaawacyo ku seegeen kulamadii xulalkooda ee bishan March.
Tababare Mikel Arteta oo saxaafadda la hadlay ayaa sheeay, in aanu midkoodna wali tababarka kooxda la samaynin iyadoo ay wax ka yar 48 saacadood ka hadhsan yihiin ciyaarta adag ee Manchester City ay martida ugu noqonayaan garoonka Etihad Stadium.
Arteta oo la weydiiyey xaaladda xiddigaha ka dhaawacan kooxdiisa ayaa yidhi: “Haa, waxa jirta fursad aynu ku arki karno Saka, Gabriel Martinelli iyo Gabriel Magalhaes oo ciyaara kulanka Manchester City.
“Wali tababarka lama aanay qaadanin kooxda, laakiin waxa aanu haysanaa hal maalin oo kale oo aanu tababarka samayn doono, waxaana jiri karta fursad ay qayb kaa noqon karayaan kooxda.”
Qaabka uu saddexdan ciyaartoy uga hadlay tababare Mikel Arteta ayaa shaki ku abuurtay taageereyaasha kooxdaas, waxaana la isweydiinayaa sida ay ku dheeli karayaan Axadda iyaga oo aan Jimcihii maanta tababarka la samayn kooxda inteeda kale.
Si kastaba ha ahaatee, Arsenal oo hoggaaminaysa horyaalka Premier League oo farqiga goolasha kaga horreysa Liverpool oo ay isku dhibco yihiin, ayaa waxa sugaya imtixaan adag, haddii ay xiddigahani ka maqnaadaanna waxa hubaal ah in ay wiiqmi doonto awooddoodu.