DEG-DEG: Manchester United Oo Heshiis Hordhac Ah La Gaartay Tababare Cusub

Kooxda Manchester United ayaa heshiis hordhac ah la gaartay Mauricio Pochettino si uu u noqdo tababarahooda xiga, sida ay baahiyeen suxufiyiinta Ben Jacobs iyo Alex Crook oo ka tirsan shabakadda talkSPORT.

Warbixinta ayaa sheegaysa in haatan la filayo in la qaado tallaabooyinkii rasmiga ahaa, taas oo United ku soo dhaweynaysa inay dhawaan si rasmi ah ugu dhawaaqdo magacaabista macallinkan reer Argentina.

Pochettino ayaa noqday musharraxa ugu cadcad ee la wareegaya shaqada garoonka Old Trafford, xilli uu shaki weyn ku jiro mustaqbalka tababaraha haatan ee Michael Carrick oo wajahaya xaalad adag iyo natiijooyin xun.

Heshiiskan hordhaca ah ee ay labada dhinac gaareen ayaa ah horumar aad u weyn oo loo qaaday dhanka isbeddelka maamulka kooxda, inkastoo saxiixa iyo magacaabista rasmiga ah aan weli gabi ahaanba la dhammaystirin.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Most Popular

- Advertisment -

Most Popular