Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday inay shaqada ka eriday tababare Xavi Hernandez oo goordhoweyd warar soobaxay oo aanu idiin soo gudbinay ay sheegayeen in kulan degdeg ah oo loogu yeedhay fursad loo siiyey in illaa Axadda uu sii joogo kooxdaas.
War-saxaafadeed ay hadda soo saartay Barcelona ayaa waxa lagu sheegay in Joan Laporta iyo maamulka naadigu ay ku wargeliyeen Xavi Hernandez in aanu sii ahaan doonin tababaraha kooxda laga bilaabo maanta.
Xavi oo laba toddobaad ka hor ay kooxdu ku riixday inuu ka laabto go’aankiisii ahaa inuu iska casilayo dhamaadka xilli-ciyaareedka, ayaa haddana maanta ay kooxdu shaqada ka eriday, iyadoo illaa hadda ay taageereyaasha iyo dadka aqoonta u leh ciyaaruhu la yaabban yihiin arrintan.
War-saxaafadeedka ay Barcelona soo saartay ayaa u dhignaa sidan: “Madaxweynaha FC Barcelona, Joan Laporta, waxa uu galabta ku wargeliyey Xavi Hernandez in aanu sii ahaan doonin tababaraha kooxda koowaad xilli-ciyaareedka 2024-25.
Ku dhowaaqista go’aanka shaqo ka caydhinta Xavi ayaa la filayey in dib loo dhigi doono illaa maalinta Axadda oo horyaalka LaLiga lasoo gabogabaynayo, hase yeeshee Joan Laporta oo sida muuqata ay isku dhacsan yihiin Xavi ayaa kala soo hormaray.