Kooxda Manchester United ayaa qorshaynaysa inay shaqada ka cayriso tababare Michael Carrick inta lagu jiro fasaxa xulalka qaranka, sida uu ku warramay wariyaha caanka ah ee David Ornstein oo ka tirsan shabakadda The Athletic.
Carrick ayaa la siiyay fursad saddex kulan ah ka dib guul-darrooyinkii xumaa ee ka soo gaaray Bournemouth iyo Como. Si kastaba, kooxda ayaa laga badiyay kulankii Chelsea, waxayna ka badisay Roma ka hor inta aysan barbarro 4-4 ah la gelin Aston Villa. Natiijooyinkan ayaa United dhigay khadka cas ee looga haro horyaalka, iyadoo laga dhaliyay 30 gool oo ah tirada ugu badan shanta horyaal ee ugu waaweyn Yurub.
Agaasimaha kubadda cagta ee Jason Wilcox iyo madaxa fulinta Omar Berrada ayaa wada qiimeynta lagu go’aaminayo mustaqbalka Carrick ka hor inta aysan taladooda u gudbin Sir Jim Ratcliffe. Waxaa la filayaa in isbeddel lagu sameeyo tababaraha ka hor kulanka adag ee ay Liverpool kula ciyaari doonaan garoonka Anfield 13 maalmood ka dib.
Maamulka United ayaa durba bilaabay raadinta beddelkiisa, waxaana liiska saddexda tababare ee ugu cadcad hoggaaminaya macallinkii hore ee Tottenham iyo Chelsea, Mauricio Pochettino. Waxaa sidoo kale liiskan ku jira tababarihii hore ee Newcastle United, Eddie Howe, iyo macallinkii hore ee xulka Jarmalka, Julian Nagelsmann, kuwaas oo taageero badan ka haysta hoggaanka kooxda.