Tababaraha Arsenal, Mikel Arteta, ma oga sababta ay khadka dhexe ee Declan Rice iyo daafaca Gabriel Magalhães isku maan-dhaafeen, balse wuxuu soo jeediyay aragti ku saabsan waxa dhacay.
Labada ciyaaryahan ayaa si kulul iskula dooday garoonka dhexdiisa dhammaadkii ciyaarta kaddib barbarihii 0-0 ee Arsenal ay la gashay Nottingham Forest Arbacadii, kulan ka tirsanaa Premier League.
Natiijadan waxay si weyn u dhabar-jabisay rajadii Arsenal ee hanashada horyaalka xilli-ciyaareedkan.
Kooxda Arteta ayaa haatan 13 dhibcood ka dambeysa Liverpool oo hoggaanka haysa miiska Premier League.
Markii la weydiiyay khilaafkii kululaa ee Rice iyo Gabriel, Arteta wuxuu ku jawaabay: “Waxaa laga yaabaa inay wax is weeydinayeen.”
“Dhabtii ma ogi mowduuca ay ka doodayeen. Ma aqaan, weli ma aanan arkin.
“Waxaan u dhaqaaqay dhanka garsoorayaasha iyo taageerayaasheena, mana aanan arkin waxba.”
Ciyaarta xigta ee Arsenal waa kulanka ay Talaadada la ciyaari doonaan PSV ee tartanka Champions League.