Cristiano Ronaldo ayaa galay wakhti adag markii uu khalad ka dhashay rigoore uu laaday dhib u geysatay taageere daawanayay ciyaarta.Rigoorihii uu khasaariyay ayaa keentay in Al-Nassr ay ka baxdo koobka Boqorka. Kulankan oo ay la ciyaarayeen Al-Taawoun, Ronaldo wuxuu helay fursad dahabi ah oo uu ku barbareyn karo natiijada, laakiin wuxuu cirka mariyay rigoorihii ay heshay kooxdiisa.
Al-Nassr ayaa ku guuldareystay inay ka soo kabtaan ciyaartaas, waxaana laga reebay tartanka kadib markii 1-0 looga adkaaday.
Ronaldo wuxuu horey u dhaliyay 18 rigoore intii uu joogay Al-Nassr.rigooradan ayaa noqotay tii ugu horreysay oo uu cirka mariyo tan iyo intii uu kusoo biiray kooxda ka dhisan horyaalka Sacuudiga.
kubaddii uu laaday waxey ku dhacday taageere da’yar oo xilligaas duuwayay muuqaalka rigoorada. Waxey sababtay in taleefankii uu ku duuwayay uu kala jabo.
Halkaan ka Daawo Muuqaalka
Ronaldo ayaa si xooggan loogu dhaleeceeyey inuu khasaariyay rigooraha. Wuxuu Qoraal ku saabsan arrintan soo geliyay bartiisa instagram ciyaarta kadib isagoo yiri: “Dhammaan caqabaduhu waa fursad lagu koro,” wuxuuna ballanqaaday inuu soo laaban doono isagoo ka xoog badan sidan.”
Guuldaradan ayaa noqotay tii ugu horreysay tababare Stefano Pioli tan iyo markii uu ku beddelay Luis Castro bishii September.