Cody Gakpo Oo Shaaciyay Dhibaatada Keliya Ee Liverpool Heysata Xilli Ciyaareed Kaan Iyo Sida Looga Bixi Karo

Weeraryahanka Liverpool, Cody Gakpo, ayaa aaminsan in kooxdiisu ay awood u leedahay inay la tartanto kooxaha hoggaanka u haya Premier League, balse waxa uu qiray inay u baahan yihiin inay hagaajiyaan joogtaynta qaab ciyaareedkooda haddii ay doonayaan inay mar kale u tartamaan horyaalka.

Gakpo ayaa hadalkan jeediyay kahor kulanka Champions League ee ay Liverpool Arbacada kula ciyaarayso Fenerbahce magaalada Istanbul, iyadoo kooxda reer England ay dooneyso inay ka soo kabato guuldarradii ay toddobaadkii hore kala kulantay Arsenal.

Xiddiga reer Netherlands ayaa ammaanay tayada kooxda Mikel Arteta, balse waxa uu sheegay in Liverpool ay horumar sameyneyso iyadoo sii dhiseysa ciyaarteeda.

“Waxaan qabaa inay yihiin koox aad u wanaagsan, taasna mar kale ayay muujiyeen. Annaguna waxaan nahay koox weli horumar sameyneysa, waxaana ku sii fiicnaaneynaa dhinacyo kala duwan. Waan hiigsan karnaa meel fog haddii aan maalin walba is-xil qaanno. Hadda waxaan ka shaqeyneynaa joogtaynta iyo inaan kulan kasta, daqiiqad kasta, u ciyaarno sidii koox heer sare ah,” ayuu yiri Gakpo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

RELATED ARTICLES

Most Popular

- Advertisment -

Most Popular