Ciyaartoyda kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa walaacsan, waxaanay ka baqayaan in xiddig ka tirsan kooxdoodu uu dhabarka ka jabiyo ciyaarta Axadda ee Manchester City ay ku booqanayaan Etihad Stadium.
Manchester United oo ciyaartii ugu dambaysay ee horyaalk ay Fulham ku garaacday 2-1 ayaa safar ugu tegi doona Man City, laakiin ka hor ciyaartan waxa ay xiddigaha Red Devils ka walaacsan yihiin sida uu noqon doono laacib ka tirsan kooxdoodu.
Ciyaartii Sabtidii ee ay Fulham 2-1 ku garaacday Man United oo joogta garoonkeeda Old Trafford waxa muuqatay diciifnimo badan oo dhinaca difaaca ah, waana arrinta ay ciyaartoyda kooxdu taxadarka ka samaynayaan kulanka Etihad Stadium.
Kabtankii hore ee Manchester United ee Erik ten Hag oo la hadlay warbaahinta ka hor ciyaarta Manchester Derby, ayaa waxa uu sheegay, in ciyaartoyda Man United ay ka walaacsan yihiin difaacooda dhexe ee Harry Maguire oo ay ka baqayaan inuu adhaxda ka jabiyo, isla markaana ogolaado in goolal fudud laga dhaliyo.
“Manchester United cadaadis badan ma samayn doonto, waxaanay ka baqayaan in Harry Maguire uu sameeyo qalad.” Ayuu yidhi Roy Keane.
Waxa uu intaa ku daray: “Waxa jira walaac haysta ciyaartoyda United oo ku saabsan Harry Maguire. Mar walba sidan ayay uga walaacsan yihiin, waxay rumaysan yihiin in wax kasta oo uu sameeyo ay dhibaato yihiin.”
Qoraalka ,iska ,saxa
Kabtankii hore ee united erik ten haag !
Maxaa ka wadaa xagee fiirinayseen
Qoraalka markii laqorayay ?