Ciqaabta Ugu Culus Ee Kooxaha Premier League Ay Doonayaan In Lagu Rido Man City Oo La Shaaciyay.

Mas’uuliyiin ka tirsan dhowr kooxood oo ka ciyaara horyaalka Premier League ayaa aaminsan in milkiilayaasha Manchester City lagu qasbo inay iibiyaan kooxda haddii rafcaankooda ku saabsan kiiska 115-ka dacwadood uu guul-darraysto.

Bishii September, guddi madax-bannaan ayaa Man City ku helay dembi ku saabsan xeerarka dhaqaalaha ee Premier League iyo UEFA, ka dib baaritaan dheer. Kooxdu waxay ku adkaysanaysaa inaysan wax dembi ah lahayn, waxayna bishii Oktoobar rafcaan ka qaadatay xukunka, iyadoo la filayo in dhageysiga rafcaanku billowdo bisha Diseembar.

Xukunka ka dhanka ah City wuxuu ku salaysan yahay muddadii u dhaxaysay 2009 iyo 2018. Si kastaba ha ahaatee, wargeyska The Independent ayaa sheegay in madaxda qaar ay doonayeen in kooxda lagu sameeyo baaritaan xilli-ciyaareedyadii ka dambeeyay 2018, sababo la xiriira habka uu guddigu u qiimeeyay xiriirka City iyo shirkadaha maal-geliya.

Sida ay qortay BBC Sport, madaxda saddex kooxood oo Premier League ah ayaa qaba in milkiilayaasha City, kuwaas oo kooxda iibsaday 2008 iyagoo loo yaqaanay Abu Dhabi United Group ka hor inta aysan magaca u beddelin City Football Group, lagu qasbo inay kooxda iibiyaan haddii rafcaanku fashilmo. Waxay sidoo kale aaminsan yihiin in agaasime kasta oo ku lug leh kiiskan laga qaado xilka, taas oo ah awood ay leedahay hay’adda cusub ee maamusha kubbadda cagta (Independent Football Regulator).

Mid ka mid ah madaxdaas oo aan magaciisa la shaacin ayaa sheegay in kooxo ka tirsan Premier League ay u arkaan in ciqaab kasta ay noqon doonto mid aan micno lahayn haddii aan milkiilayaasha lagu qasbin inay kooxda iibiyaan. Ma jiro mas’uul ka tirsan Premier League oo si fagaare ah uga hadlay kiiska City tan iyo bishii September, inkastoo tababarayaal ay ka mid yihiin Jurgen Klopp, Jose Mourinho, iyo Unai Emery ay aragtidooda ka dhiibteen.

Horraantii bishan, waxaa la sheegay in shirkadaha maal-geliya City ay maxkamad la tiigsadeen shanta agaasime ee guddiga Premier League. Codbixin loo qaaday in kharashka sharciga laga bixiyo agaasimayaasha Premier League, 18 ka mid ah 20-ka kooxood ayaa taageeray, iyadoo Nottingham Forest oo keliya ay la safatay Man City oo ka hor timid.

Weli lama cayimin taariikhda rasmiga ah ee la dhageysan doono rafcaanka Man City. Hase yeeshee, la-taliyihii hore ee dhaqaalaha City, Stefan Borson, oo ka hadlayay barnaamijka Football Uncensored ee Piers Morgan, ayaa sheegay in rafcaanka ay u badan tahay in la dhageysto laga billaabo 12-ka Diseembar, isla markaana uu socon doono 5 ilaa 10 maalmood si uu u dhammaado ka hor Ciidda Masiixiga (Christmas).

Borson wuxuu ku daray in inkastoo go’aanka noocan ah uu caadiyan waqti qaato, haddana Premier League ay doonayaan in la dedejiyo si dhageysiga ciqaabta iyo rafcaanka xiga loo dhammeeyo ka hor dhammaadka xilli-ciyaareedkan, si City loo ciqaabo xilli-ciyaareedkan gudihiisa.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Most Popular

- Advertisment -

Most Popular