Xiddiga kooxda Chelsea, Cole Palmer, ayaa u magacaabay weeraryahanka Manchester City ee Erling Haaland, ciyaaryahanka ugu wanaagsan horyaalka Premier League.
Palmer oo la hadlayay warbaahinta Sky Sports ka hor kulanka horyaalka ee ay kooxdiisu Axadda wajahayso Sunderland, ayaa ku sifeeyay weeraryahankan reer Norway mid awood badan oo mar walba goolal dhaliya.
Mar wax laga weydiiyay ciyaaryahanka ugu fiican horyaalka heerka koowaad ee Ingiriiska, Palmer wuxuu yiri: “Waa Haaland. Aad ayuu u awood badan yahay. Xitaa Koobkii Adduunka, goolal ayuu u dhaliyay Norway. Mar walba gool ayuu dhaliyaa, waana taas sababtu.”
Haaland ayaa soo bandhigayay qaab-ciyaareed cajiib ah tan iyo markii uu Manchester City kaga soo biiray kooxda Borussia Dortmund sanadkii 2022-kii.