Chelsea iyo Newcastle United ayaa si durduro ah ugu soo gudbay wareegga afraad ee tartanka FA Cup, kaddib markii ay guulo waaweyn ka gaadheen kooxaha heerka labaad ee Preston iyo Sunderland oo ay nus-dersin goolal ah u dhiibeen.
Blues ayaa ku goolal tirsatay, isla markaana cadhadii horyaalka Premier League kula dhacday Preston oo marti ugu ahayd Stamford Bridge, waxaanay ugu awood sheegatay 4-0 iyadoo dhamaan goolashu ay yimaaddeen qaybtii dambe.
Chelsea oo kusoo gashay shax adag, si aanu gorgortan uga helin booskooda wareegga afraad ee tartanka FA Cup, ayaa waxa ay u xoog sheegatay Preston oo ay afarta gool ka dhaliyeen Armando Broja, Thiago Silva, Raheem Sterling iyo Enzo Fernandez oo waliba goolkiisa oo waqti dambe ahaa laga soo hubiyey VAR.
Newcastle United ayaa waxa ay iyaduna 3-0 ku karbaashtay Sunderland oo heerka labaad ee Ingiriiska ka ciyaarta, waxaana ay sidaas ugu gudubtay wareegga afraad ee tartanka FA Cup.
Goolka koowaad ee Newcastle ay la timid ayaa waxa si qalad ah iskugu qabtay Ballard, halka laba gool oo kale oo uu midkood rikoodhe ahaana uu ku daray Alexander Isak.
Kooxaha guuleysta ayaa waxa ay si toos ah ugu gudbayaan wareegga afraad, halka naadiyada barbarraha ku kala baxana ay ciyaar labaad oo ku celis ah dheeli doonaan.
Natiijooyinka kulamadii FA Cup ee maanta iyo caawa oo dhamaystiran
-
AFC Wimbledon 1-3 Ipswich Town
-
Coventry City 6-2 Oxford United
-
Maidstone United 1-0 Stevenage
-
Millwall 2-3 Leicester City
-
Sunderland 0-3 Newcastle United
-
Blackburn Rovers 5-2 Cambridge United
-
Gillingham 0-4 Sheffield United
-
Hull City 1-1 Birmingham City
-
Newport County 1-1 Eastleigh
-
Norwich City 1-1 Bristol Rovers
-
Plymouth Argyle 3-1 Sutton United
-
Queens Park Rangers 2-3 AFC Bournemouth
-
Southampton 4-0 Walsall
-
Stoke City 2-4 Brighton & Hove Albion
-
Watford 2-1 Chesterfield
-
Chelsea 4-0 Preston North End
-
Middlesbrough 0-1 Aston Villa
-
Sheffield Wednesday 4-0 Cardiff City
-
Swansea City 2-0 Morecambe