Kooxda Real Madrid ayaa wajahday guuldarro 3-0 ah oo ka soo gaartay Arsenal kulankii lugta hore ee wareega siddeed dhammaadka Champions League. Declan Rice ayaa dhaliyay labo gool oo laadad xor ah(free kicks), taasoo keentay in la isweydiiyo difaaca kooxda iyo qaabkii ay goolashaas ku yimaadeen.
Goolhaye Thibaut Courtois, oo hore uga digay khatarta Arsenal ee kubbadaha go’an, ayaa sameeyay badbaadino muhiim ah intii lagu jiray ciyaarta. Si kastaba ha ahaatee, warbixinaha laga helayo kooxda ayaa muujinaya in tababare Ancelotti uu si gaar ah ugu jeediyay Courtois canaan kulul kaddib guuldarradaas. kooxda ayaa hadda go’aansatay iney diiradda saarto sidii ay u xoojin lahaayeen difaacooda iyo in laga fogaado qaladaadkii keenay in la dhaliyo goolashaas.
Tababaraha Real Madrid, Carlo Ancelotti, ayaa la filayaa inuu sameeyo isbeddelo ku aaddan qaab-ciyaareedka kooxda ka hor kulanka lugta labaad ee ka dhici doona Santiago Bernabéu. Kooxda ayaa rajeyneysa inay dib uga soo kabato guuldarradii hore oo ay u gudubto wareega xiga ee tartanka.
Hala Madrid